Super User

Super User

Qodobka 81aad(2) ee Dastuurka KMG
Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara:
(a) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama
(b) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

1. Arrin walba oo u baahan codka Golaha waa in loo soo bandhigaa qaab soojeedin.
2. Soojedinadu waxay u qaybsamaan, soojeedin Habraac iyo soojeedin Nuxur.
3. Soojedintu waxay noqon kartaa mid khusaysa Habraaca Golaha isla markana soo jeedintedu aysan u baahnayn wax wargelin ah. Waxaana ka mid ah
b) Soojedin in fadhiga dib loo dhigo malinta xigta.
t) Soojedin in dooda dib loo dhigo malinta xigta.
j)  Soojedin dhexgal toosineed ayadoo dood socota.
x) Soojeedin in la xiro dooda lana codeeyo.
Kh) Soojeedin in la xaqiijiyo Guntanka.
d) Soojeedin in qodob/ qodobo xeer-hoosaadka aan lagu dhaqmin ( la laalo) si ku meelgaar ah inta lagu guda jiro arin ama dood.
4. Soojeedintu waxay noqon kartaa mid Nuxur una baahan in Golaha la soo wargeliyo inta aan la soo jeedin.
b) Soojeedin hindise sharciyeed ama qaraar
t) Soojeedin wax ka bedel hindise sharciyeed ama qaraar
j) Soojeedin heshiis caalami
x) Soojeedin wax ka bedelid dastuurka
kh) Soojeedin wax ka bedelid xeer-hoosaadka
d) Soojeedin eedayn madaxwayne
r) Soojeedin kalsoni kala noqosho ra’isalwasaaraha
5. Soojedinta Nuxur waxaa soojedin kara
b) Golaha Wasiirrada
t) Senatorka Golaha haddii usan Xeer-Hoosadka si kale u qeexin.

6.    Soojedinta Nuxur waa in ay ahaataa mid qoraal ah loona gudbiyaa Guddomiya Aqalka Sare ka hor 24 saacadood inta aan fadhiga Golaha la keenin.
7.    Guddomiya Golaha waa in usan aqbalin soojedin ka hor imanaysa Shareecada islamka, Dastuurka, ama Xeer-Hoosaadka Golaha iyo shuruucda kale ee dalka.
8.    Inta aan la furin dooda soojedinta , qof ka tirsan soo jediyayaasha soojedinta ayaa golaha u  akhrinya ujeedoyinka soojedinta.
9.    Goluhu waa in uusan u gudbin Soojeedin Nuxur asagoo aan dhamayn soojedin Nuxur oo horey Golaha loogu soo gudbiyay.
10.  Inta lagu guda jiro dooda, soojeedinta Habraaca aya mudnaanta ka leh soojedinta Nuxur.

Xeer-Hoosaad

April 19, 2018

Qodobka 75aad. Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo kaqaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.
(2) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
(3) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.
(4) Sharci qabyo ah oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato
soddon (30) maalmood maalinta Goluhu diiday.
(5) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisuba waa inay u furan yihiin
dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta
Xukuumadda.

Habraaca Doodaha

April 19, 2018

Qodobka 29-aad: Habka dooda iyo anshaxa xubnaha golaha:
1.Xubin walba oo golaha ka tirsan wuxuu xaq u leeyahay in si xor ah u cabiro Lana xurmeeyo ra’yigiisa marka Golaha laga dhex doodayo.
2.Iyadoo la fulinaayo faqradda kor ku xusan, xubnaha Golaha waa in ay si hagaagsan ugu dhaqmaan qodobada so socda:-
a)Xubin kasta waxaa laga doonayaa in ay fekerkeeda u cabirto si kooban oo cad iyadoon ka baxayn qodobka laga hadlayo, laguna celcelin ereyo isku mid ah, ilaalinaysana waqtiga la siiyay.
b)Xubin walba Waxaa waajib ku ah in ay run ka sheegto qodobka ay ka hadlayso.
c)Waxaa waajib ku ah xubin kasta in uusan hadalkeedu xiisad kicineyn, khalkhalna gelineyn wadanka, shacabka iyo Golaha intaba.
d)Xubin kasta waa in ay ilaalisaa Haybada iyo sharafta Aqalka, xasaanada xubnaha iyo ha’adaha kale.
3.Soojeedinta xubin walba waa in ay ku salaysan tahay mabaadiida iyo fikradaha uu tageeraayo ama kaga hor imaanaayo, iyadoo la dhawraayo xubnaha kale.
4.Xubinta cabiraysa fekerkeeda laguma samayn karo dhexgal, gunuunuc, qaylo, sacabin, foori iyo wixii kale ee dhaqan xumo ah.
5.Xubina ma hor keeni karto Golaha ra’yi aan waafaqsanayn ajendada kulan maalmeedkaas horyaal, hadaanu ogolaan Guddomiyuhu.
6.Xubina Kama bixi karto fadhiga, ka dib markii ay jeediso ra’yigeeda, fasax la’aan.
7.Xubina kuma qaybin karto kulanka gudihiisa hadal qoraal aanu fasaxin gudoomiyuhu.
8.Waxaa ka reeban xubnaha in ay qalalaaso ku sameeyaan Golaha iyo agagaarkiisa toonna.
9.Waxaa reeban in xubnuhu u tanaagoodaan ama u il jebiyaan martida golaha fadhida.
10.Waxaa reeban in laga baxo fadhiga marka Guddomiyuhu hadlayo ama ay socoto cod bixin.
11.Waxaa reeban in lala yimaado, calaamado, qoraalo, Hal ku dhigyo iyo dhawaaq muujinaya is hortaag howlaha golaha.
12.Xiliga uu hoogaaminayo guddomiyuhu shirka looma tegi karo waxna looma sheegi karo, xoghaynta ayaa wixii qoraal ah loo marinayaa.
13.Xubintii rabta in ay hadal jeediso waxay raacaysaa talaabooyinkan:
B)xubin walba waxay ku bilaabaysaa hadalkeeda” Mahadsanid Guddomiye”
T)Waxay isticmaalaysaa “Senator” marka ay tilmaamayso xubin kale, ama Mudane/Marwo marka ay sheegayso qof kale oo madaxda ka mid ah.
1.Xubintii rabta in ay hadasho waxay taageysaa gacanta iyadoo aan qaylin, kicin ama ficil kale sameyn.
2.Xubina ma hadli karto, calaamadna kuma muujin karto Ra’yigeeda haduusan Guddomiyuhu u ogolaan.
3.Xubintii hadasha ayadoon guddomiyuhu u ogolaan wuu ka joojinayaa hadalka, wuxuuna hadalka siinayaa cidii ku xigtay.

Fadhiyada

April 19, 2018

Qodobka 74aad: Kalfadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.
(2) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.
(3) Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada.
(4) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:
(a) Ra’iisul-wasaaraha isugu yeero;
(b) Guddoomiyaha Goluhu isugu yeero;
(c) Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba (2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Ajendaha

April 19, 2018

Qodobka 25-aad:  Ajendaha
1.    Guddiga Joogtada ah ee Goluhu wuxuu diyaariyaa ajendaha fadhiyada soo socda ee Golaha. Ajendaha waxaa loo qeybinayaa Xubanaha Golaha ugu yaraan 12 saacadood ka hor fadhiga loo dhan yahay.
2.    Ajendaha kulan walba waxaa lagu ansixinayaa cod gacan taag ah, haddii aysan ugu yaraan 5 xubnood bilowga fadhiga u gudbin guddoomiyaha golaha soo jeedin qoraal ah oo wax lagaga bedelayo ajendaha iyagoo soo jeedinayo arrin deg-deg ah. Soo jeedintuna waa in ay ku saxiixan yihiin xubnaha taageeraya.
3.    Ajendaha haddii ay codsadaan ugu yaraan 5 xubnood in wax cusub lagu daro ama wax laga beddelo waxaa gudoonka laga doonayaa in uu ku daro ajendaha isla fadhigaas hadii ay u codeeyaan (50% + 1) ee tirada golaha fadhida.

Golaha Aqalka Sare

April 19, 2018

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay markii ugu horreeysay yeelatay Baarlamaan ka kooban Labo Gole ka dib markii la meel mariyay Dastuurka Federaalka KMG ah 1st Agoosto 2012.

Haddaba, xilligaa waxaa la unkay Baarlamaankii 9aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Dastuurku awood u siiyay Golaha Shacabka inuu sii guto waajibaadka Labada Gole inta laga soo dhisayo Golaha Aqalka Sare (Qod. 138 (2)). Sidaas ayuuna Golaha Shacabku u shaqeynayay ilaa 28kii Diseembar 2016 markaas oo loo dhaariyay Xubnaha Golaha Aqalka Sare qabashada xilka senatarnimo.
Doorashada Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa billaabatay 15kii Oktoobar 2016, waxaana nasiib u yeeshay in loo doorto Senatarkii ugu horreeyay abid ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, kaasoo lagu doortay Magaalada Cadaado oo ah xilligaan Magaalo Madaxda Ku Meelgaarka ah ee Dowladda Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ee Galmudug, waxaana doorashada 54ta Xubnood ee Golaha Aqalka Sare la soo gabogabeeyay 9kii Jannaayo 2017  iyadoo la soo doortay dhammaan Xubnaha ku metalaya Golaha Aqalka Sare Dowladdaha Xubinta ka Dowladda Federaalka iyo Gobollada Waqooyi. Xubnaha la soo doortay waxaa loo dhaariyay xilkooda 28kii Diseembar 2016.
Kadib dhaarinta Xubnaha la soo doortay, Golaha ayaa fadhigiisii ugu horreeyay ee Kalfadhigiisa 1aad yeeshay taariikhdu markay aheyd 5tii Jannaayo 2017, waxaana Kalfadhigaasi furay Madaxweynihii 8aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka hor inta uusan Goluhu gudagelin gudashada xilalkiisa kale ee Dastuuriga ah, wuxuu doortay 22 Jan. 2017 Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo ka kooban Guddoomiye iyo Labo Guddoomiye ku Xigeen sida uu dhigayo Qodobka 73aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya isagoo ku kulansan fadhigiisa 5aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyihii Ku Meelgaarka ahaa Mudane Maxamed Xuseen Raage.

Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare, oo ka koobnaa:

1.    Prof. Sen. Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), Guddoomiyaha Guddiga.
2.    Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
3.    Sen. Farxaan Cali Xuseen
4.    Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
5.    Sen. Jawaahir Axmed Cilmi
6.    Sen. Cabdirisaaq Axmed Cali

Golaha Aqalka Sare wuxuu durbadiiba billaabay inuu isu diyaariyo sidii uu u gudan lahaa xilkiisa dastuuriga ah, wax badan ayaana u qabsoomay muddadii sannadka aheyd ee uu shaqeynayay Golaha Aqalka Sare haddii ay ahaan laheyd dhanka sharci dejinta, la xisaabtanka xukuumadda ama dhismihiisa gudahaba.

Golaha Shacabka

April 19, 2018

                                      Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

1. Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa wakiilka Shacabka Soomaaliyeed,  waana awoodda ugu sarreysa ee sharci dajinta Dalka.

 

2. Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay 275 Xubnood, sida ku xusan qodobka 64aad,faqradahiisa 2aad iyo 4aad ee Dastuurka.

 

3. Qof kasta oo noqday Madaxweyne Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, qaanuun ahaan wuxuu noqonayaa Xildhibaan inta uu nool yahay, haddii aan xilka looga qaadin ka hor inta uusan dhameysan xilligiisa sida ku xusan Qod. 92-aad iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka, wuxuuna xildhibaanada ku noqonayaa dheeri”.

 

4. Afafka rasmiga ah ee Goluhu waa Af-Soomaali (Maay & Maxaa Tiri), Afka Carabiguna waa afka labaad, sida ku xusan Qod.5aad (1) Dastuurka.

 

5. Xarunta Goluhu waa Magaala Madaxda Dalka ee Muqdisho.

 

6.Golaha Shacabka iyo Guddiyadiisa waxay xaq u leeyihiin in qaar ka mid ah fadhiyadooda ku qabsan karaan meel ka baxsan xaruntiisa, haddii ay duruuf kallifto, saasna ay go’aansadaan.

           

7, Muddada Golaha waa 4 (afar sano) oo laga bilaabayo Maalinta la dhaariyay Xildhibaanada ugu horeeya ee ka tirsan Golaha Shacabka (20.08.2012). 

Page 6 of 7
JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya