Super User

Super User

Maktabad

May 14, 2018

 Guddigani waxay shaqo joogto ah wada yeelanayaan guddiga kale ee dastuurka golaha shacabka Iyadoo la tixgalinayo sida ku cad qodobka 133 ee dastuurka kumeelgaarka ah, guddiga La Socodku wuxuu:
b) u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo t) Kormeerayaa, farayaa, ansaxinayaana hawlaha guddiga dib-u-eegista iyo dhaqangalinta Dastuurka iyo guud ahaanba ku dhaqanka dastuurka.
j) Xilliyada qaarkood fari karaa guddiga dib-u-eegista iyo dhaqangalinta dastuurka mashruuc qoraal sharci iyadoo lagu saleynayo baahida dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.
x) Dib-u-eegayaa qabyo qoraalada wax ka bedelka dastuurka ama hindise sharciyeedyada iyo warbixinadda ku lifaaqan ee ka timid guddiga dib-u-eegista iyo dhaqan galinta dastuurka.
Kh) Ogeysiiyaa dadweynaha wixii soo jeedin ah.
d) Intii suurtogal ah, sugayaa in ay jiraan fursado ku filan ka qeyb-galka dooda daweynaha.
r) La tashanayaa xubnaha ka socda dadweynaha.
s) Hubinyaa in xubnaha ka socda dadweynaha ay haystaan fursado ku filan oo ay kusoo bandhigi karaan fikirkooda iyo aaraadooda guddiga isku-dhafka ah.
Sh) La hadlayaa Baarlamaanka maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka isla markaana ku biiriyo fikirka qoraallada ka yimaada xubnaha maamul goboleedyada federaalka ka midka ah talo soo jeedinta wax ka beddel haddii ay arrinta khuseyso danaha maamulgoboleedka xubinta ka ah federaalka.
Dh) Kormeerayaa dhaqan gelinta mabaadii’da Federaalka Soomaaliya.
c) Warbixin siinayaa golaha ugu yaraan hal jeer sedexdii biloodba.
g) Qabanayaa wixii hawl kale ah ee dastuurka ku meel gaarka ah iyo sharciga federaalka ah farayo.
f) Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan aqalka.
q) Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Guddi hoosaadyada Guudiga:
b) Guddiga Xeer hoosaaka
t) Guddiga anshaxa
j) Guddiga xasaanada iyo daryeelka sanatarada
Arrimaha hoos imaanaya guddigan waxaa ka mid ah:
b) Inay uyeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo
t) Guddigan waa In uu yeeshaa la-taliyeyaal sharci
j) Lixdan (60) cisho gudahood xilliga la dhiso guddigaan ka dib ee lagu jiro kalfadhiga kowaad, waqti   waa in loo qoondeeyo tixgalinta xeer hoosaadka sida uu guddigan soo jeediyo.
x) Soddon (30) cisho gudahood ee bilawga kal-fadhi kasta ee golaha Aqalka sare, guddigan wuxuu ka doodayaa hindisaha wax ka bedel ee xeerka wuxuuna u gudbinayaa talo soo jeedintiisa Aqalka Sare si loo ansaxiyo.
Kh) Guddigan wuxuu tixgalinayaa arrimaha la xariira xasaanadda xubnaha wixii talo soo jeedin   ahna u gudbiyaa Golaha. d) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira lumintaxubinnimada ee Aqalka Sare sida ku cad qodobka 59aad ee Dastuurka ku meel gaarka.
r) Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marin ee laga qaadayo xubin ka tirsan Aqalka Sare sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xadgudubka Xeer Hoosaadka Golaha.
s) Guddigan wuxuu soo jeediyaa tallaabooyinka maamul ee lagu xoojinayo habdhaqanka iyo anshaxa xubnaha.
Sh) Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah usoo gudbiyaan golaha aqalka sare
Dh) Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Guddi hoosaadyada Guddiga:
a)    Guddiga Dhaqaalaha  
b)    Guddiga Maaliyadda  
c)    Gudidga Ganacsiga  
d)    Guddiga Warshadaha
e)    Guddiga isgaarsiinta  
f)    Guddiga Dalxiiska


Waajibaadka Guddigan waxaa kamid ah:
1.    Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo  
2.    Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda siyaasada Gancsiga Dalka
3.    Ka tala bixinta iyo u kuurgelidda Siyaasadda Horumarinta Warshadaha.
4.    U kuurgalka shuruucda ilaalinta xuquuqda gaarka ah ee ganacsiga (Patent rights)
5.    U kuurgalka shuruucda ilaalinta tayada ganacsiga la soo waarido iyo nooca wax soo saarka warshadaha (quality control laws)
6.    Ka tala bixinta siyaasada warshadaha
7.    Ka tala bixinta siyaasada isgaarsiinta
8.    Ka tala bixinta siyaasada Dalxiiska
9.    In labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan aqalka sare
10.    Xirriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah .

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha & Gaadiidka waxaa lagu dhisay si waafaqsan Qodobka 61 aad ee Xeerka guud ee Guddiyada Aqalka sare. Guddigan ayaa la dhisay May 2017 waxa uuna kamid yahay Guddiyada 9 ka ah ee uu leeyahay Golaha Aqalka sare

  Xubnaha Guddiga

LR

Magaca

Doorka

1.

 Sen.  Ilyaas Cali Xasan

 Guddoomiye

2.

 Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc)

 Guddoomiye ku-xigeen

3.

 Sen. Naciimo Ibraahim Yuusuf

 Xogheyn

4.

 Sen. Mustaf Mxamed Qodax

 Xubin

5.

 Sen. Yuusuf Geelle Ugaas

 Xubin

 

Guddi Hoosaadka Guddiga

  1. Guddi Macdanta Biyaha iyo shidaalka
  2. Guddiga Beeraha iyo siyaasada Dhulka
  3. Guddiga kheyraadka Badda
  4. Guddiga xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa
  5. Guddiga ilaalinta deegaanka iyo bii’ada
  6. Guddiga kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka

Wasaaradaha hoos yimaada Guddiga

  • Wasaaradda Batroolka & Macdanta.
  • Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda.
  • Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada.
  • Wasaaradda Kaluumeysiga & Kheyraadka Badda.
  • Wasaaradda Beeraha.
  • Wasaaradda Hawlaha Guud & Dib-u-dhiska.
  • Wasaaradda Korontada & Biyaha.
  • Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta & Daaqa

 Waajibaadka Guddiga iyo Awoodihiisa

Gudigaan waxaa uu kamid yahay gudiyada ugu muhiimsan Aqalka Sare wuxuuna si tos ah utaabanayaa shaqooyinka Aqalka loo igmey gaar ahaan, Kheyraadka, Gaadiidka, iyo Kaabiyaasha oo kamid ah meelaha ay sida tooska ah u saameysa.

Si horay loogu socdo, guddigu waxa uu ku shaqayn doonaa waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qodobka 81aad ee Xeer-Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Waajibaadka Guddigan waxaa ka mid ah:

  1. U yeerista cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo
  2. Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda
  3. Dalagga Beeraha
  4. Dib–u-noolaynta dhulka
  5. Waraabka
  6. Kalluumaysiga
  7. Ilaalinta noolaha badda.
  8. Ka hortagga kalluumaysiga Sharci darrada ah.
  9. Dib-u-eegida shurruucda la xiriira kalluumaysiga
  10. Xoolaha Nool.
  11. Dejinta shurruucda la xiriirta horumarinta, xannaanada iyo kobcinta xoolaha.
  12. Farsameynta iyo tayaynta wax soo saarka xoolaha nool
  13. Soo saarista, Horumarinta iyo dayactirka calafka xoolaha Nool.
  14. Horumarinta ganacsiga xoolaha.
  15. Horumarinta baarista aqoonta la xiriirta xoolaha.
  16. Horumarinta caafimaadka xoolaha.
  17. Ilaalinta bii’adda, badda, berriga iyo hawada sare.
  18. Ilaailnta Duurjoogta
  19. Dejinta shuruuc la xiriirta ka faa’ideysiga khayraadka dabiiciga ah
  20. Dib-u eegista iyo la socodka shuruucda la xiriirta kheyraadka sida: Shidaalka, Macdanta iyo Biyaha.
  21. Dhismaha iyo ilaalinta waddooyinka,
  22. Dhismayasha Dowladda.
  23. Dhismaha Gegida Diyaaradaha iyo Dekedaha
  24. Gaadiidka noocyadiisa kala duwan
  25. Tamarta (Korontada,Qorraxda, Biyaha, Shidaalka, dabeysha Iwm).
  26. In labadii biloodba warbixin qoraal ah usoo gudbiyaan aqalka sare.
  27. Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah
Page 1 of 7
JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya