Golaha Aqalka Sare

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay markii ugu horreeysay yeelatay Baarlamaan ka kooban Labo Gole ka dib markii la meel mariyay Dastuurka Federaalka KMG ah 1st Agoosto 2012.

Haddaba, xilligaa waxaa la unkay Baarlamaankii 9aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo Dastuurku awood u siiyay Golaha Shacabka inuu sii guto waajibaadka Labada Gole inta laga soo dhisayo Golaha Aqalka Sare (Qod. 138 (2)). Sidaas ayuuna Golaha Shacabku u shaqeynayay ilaa 28kii Diseembar 2016 markaas oo loo dhaariyay Xubnaha Golaha Aqalka Sare qabashada xilka senatarnimo.
Doorashada Xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa billaabatay 15kii Oktoobar 2016, waxaana nasiib u yeeshay in loo doorto Senatarkii ugu horreeyay abid ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed, kaasoo lagu doortay Magaalada Cadaado oo ah xilligaan Magaalo Madaxda Ku Meelgaarka ah ee Dowladda Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ee Galmudug, waxaana doorashada 54ta Xubnood ee Golaha Aqalka Sare la soo gabogabeeyay 9kii Jannaayo 2017  iyadoo la soo doortay dhammaan Xubnaha ku metalaya Golaha Aqalka Sare Dowladdaha Xubinta ka Dowladda Federaalka iyo Gobollada Waqooyi. Xubnaha la soo doortay waxaa loo dhaariyay xilkooda 28kii Diseembar 2016.
Kadib dhaarinta Xubnaha la soo doortay, Golaha ayaa fadhigiisii ugu horreeyay ee Kalfadhigiisa 1aad yeeshay taariikhdu markay aheyd 5tii Jannaayo 2017, waxaana Kalfadhigaasi furay Madaxweynihii 8aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka hor inta uusan Goluhu gudagelin gudashada xilalkiisa kale ee Dastuuriga ah, wuxuu doortay 22 Jan. 2017 Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo ka kooban Guddoomiye iyo Labo Guddoomiye ku Xigeen sida uu dhigayo Qodobka 73aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya isagoo ku kulansan fadhigiisa 5aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyihii Ku Meelgaarka ahaa Mudane Maxamed Xuseen Raage.

Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare, oo ka koobnaa:

1.    Prof. Sen. Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun), Guddoomiyaha Guddiga.
2.    Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
3.    Sen. Farxaan Cali Xuseen
4.    Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud
5.    Sen. Jawaahir Axmed Cilmi
6.    Sen. Cabdirisaaq Axmed Cali

Golaha Aqalka Sare wuxuu durbadiiba billaabay inuu isu diyaariyo sidii uu u gudan lahaa xilkiisa dastuuriga ah, wax badan ayaana u qabsoomay muddadii sannadka aheyd ee uu shaqeynayay Golaha Aqalka Sare haddii ay ahaan laheyd dhanka sharci dejinta, la xisaabtanka xukuumadda ama dhismihiisa gudahaba.

Rate this item
(1 Vote)
Last modified on Sunday, 27 May 2018 10:42

Search

Lasaco Tweets keenna

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya