Gudiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka oo Kulan Muqdisho ku Yeeshay

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Joogtada ah 25 December 2018 Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Joogtada ah 25 December 2018

 

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, gudiga ayaa war bixin ku aadan safaradii gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaalada Kismayo iyo talka Turkiga oo looga hadlaayay arinta falastiin kulankaasoo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominaayay, gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaa kalo kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.

Kulanku markuu dhamaaday waxa saxaafada la hadlay habdhowraha Aqalka Sare Senator Cabdikafi Macalin Xassan.

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya