Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo Wafdi uu hogaaminaayay aya lagu soo dhaeeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo

Mudisho ; 06.12.2018

Wefdiga uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Soo dhoweynta wefdiga guddoomiyaha waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah dadweynaha magaalada Kismaayo, Madaxweynaha Jubaland oo soo dhoweynta ka dib hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha xubnaha Aqalka sare ka socda ee soo gaaray Kismaayo.

Madaxweynaha Doowlad goboleedka Jubaland ayaa sidoo kale, xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka wadanka isla markaana si gaar ah golaha Aqalka sare uu xil ugu saaran yahay ilaalinta iyo wadajir ah ummadda Soomaaliyeed.

“Waan idin soo dhaweynaynaa, imaatankiisana waxaa uu inoo yahay farxad, wixii fariimo iyo wada hadal ah dib ayaan ka yeelan doonaa,” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa madaxda iyo shacabka Jubaland ugu mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay in u jeedka ay Kismaayo u yimaadeen ay tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

“Anagu waan idin nimid, waxaana idin kugu nimid nabadaa oo balaarata iyo dalkeena guud ahaan oo nabad noqda oo mid noqda oo heshiiya,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in qofkasta uu maanka ku hayo ahmiyadda nabadda iyo wadajir ay ku leedahaya dalka.

“Waxaynu u baahannahay midnimo iyo nabad guud ahaan dalka qofkasta oo mas’uul ahina in uu taa maskaxda ku heysto, diyaarna u noqdo nabad iyo heshiisiin dalka oo dhan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyuhu.

 

 

 

 

 

 

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya