Super User

Super User

Xubnaha Guddigaan waxay ka kooban yihiin:

a)    Guddomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen
b)    Hab dhowraha iyo ku-xigeenkiisa
c)    Guddomiyayaasha guddiyada Golaha.


Waajibaadka Guddiga
1.    Sida ku xusan Qodabka 13aad ee Xeer-Hoosaadka, Guddiga Joogtada ayaa mas’uul ka ah diyaarinta Howlaha Golaha iyo sida ay u kala horeynayaan, balsa Guddomiyaha ayaa badali kara xilliga doodda.
2.    Guddigu isagoo la tashanaya Guddomiyaha waxa uu soojeedin karaa waqtiga loo qoondeeyay dooda heerarka Hindise Sharciyeedka iyo howlaha kale.
3.    Guddigu waxa kale uu qabanayaa howlaha uu u fasaxo Xeer-Hoosaadka ama Goluhu u igmado.
4.    Fadhiyada Guddigu waxaa ay noqonayaan kuwa xiran, waxayna kulmayaan marka uu dalbado Guddoomiyuhu, Sadax meelod meel Xubnaha Guddigu ama Goluhu amro.
5.    Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah usoo gudbiyaan aqalka.

Guddi Hoosaadkayada guddiga:
1.    Guddiga arrimaha Guddaha.
2.    Guddiga xiriirka Dowlad Goboleedyada.
3.    Guddiga dib-u heshiisiinta.
 
Waajibaadka Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Dowlad Goboleedyada Waxaa ka mid ah:
 
1. Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo  2. Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta shuruucda la xiriirta hawshooda.
3.    Katala bixinta iyo la socodka arrimaha maamul goboleedyada si waafaqsan dastuurka.
4.    Katala bixinta xiriir wanaaga hoggaanka dhaqameedyada iyo maamuladda gobolada iyo degmooyinka.
5.    Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka howlaha guddiga xaqiiqo raadinta iyo Dib u heshiisiinta ee ku xusan Dastuurka.
6.    Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka howlaha guddiga qaranka xuduudaha iyo federaalka
7.    Wuxuu la soconayaa kor joogteynayaana habsami usocodka howlaha guddiga doorashooyinka qaranka.
8.    Wuxuu daraasad ku soo sameynayaa talana ka soo bixinayaa dhulka iyo hantida qaranka la haysto iyo midda gaar ahaaneed ee sharci darrada lagu kala haysto.
9.    Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan aqalka sare
10.    Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah 

Gudi hoosaadyada guddiga a)Arrimaha Dibada
b)    guddiga qorsheynta
c)    Guddiga maalgashiga
d)Gudiga Iskaashiga Caalamiga


Waajibaadka guddigan waxaa ka mid ah:
1.    Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo  
2.    Ka baaraandegista iyo ka-talabixinta shuruucda la xiriirta hawshooda iyo waajibaadkooda
3.    Xirriirka caalamiga ah
4.    Heshiisyada iyo Axdiyada caalamiga ah
5.    Arrimha Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha JFS
6.    Qurbo joogta
7.    Qaxootiga Dibadda ku nool
8.    La socodka Xiriika iskaashiga dhaqan dhaqaale ee aan la leenahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah
9.    La socodka barnaamijyada Hormarineed ee dalka
10.    U kuurgelidda deeqaha la siiyo dalka iyo in si cadaalad ah loogu qeybiyo dowlad goboleedyada dalka
11.    Hubinta iyo iswaafajinta qorshaha qaranka & barnaamijyada hormarineed ee dalka
12.    Hubinta iyo dabagalka in si sax ah loo fuliyay mashaariicda hormarineed ee dalka loo dajiyay
13.    Dhaqngelinta soo jiidashada maalgeshadeyaasha gudaha iyo dibedda iyadoo loo sameynayo shuruuc gaar ah oo fududeynaya maalgeshiga dalka
14.    Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan aqalka sare  
15.    Xirriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah .

Guddig hoosaadyada Guddiga:
b) Guddiga Garsoorka
t) Guddiga Arimaha Diinta iyo awqaafta
j) Guddiga Xuquuqul insaanka
x)Guddiga Haweenka iyo caruurta

Waajibaadka Guddiga waxaa kamid ah:
1.Inay u yeeri karaan cid kasta oo xiriir la leh waajibaadkooda shaqo  
2.Hubinta madaxbannanida Garsoorka,
3.Ka baaraandegista shuruucda la xiriirta hayadaha Garsoorka & garsoorayaasha
4.La socodka cabashooyinka bulshada ee la xiriira arimaha garsoorka iyo gardoonka
5.La socodka Howlaha Shaqo ee Guddiga adeega Garsoorka
6.La socdka arrimaha Xabsiyada iyo Maamulkooda
7.xafiiska gardoonka sida ku xusan dastuurka ku meel gaarka ah iyo xeerka federaalka
8.Xaqiiqa raadinta ku saabsan xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka.
9.Ka tala bixinta Arrimaha Caddaalada xilliga kala guurka ah. (Transitional Justice) iyo tacaddiyaada la geystay iska raaligelintooda
10.Xuquuqul insaanka.
11.Dadka naafada/curyaanka ah.
12.Ilaalinta xuquuqda dhalaanka.
13.Ilaalinta xuquuqda dadka waayeelka ah
14.Arrimaha jinsiga (lab/dheddig).
15.Dadka gudaha ku barakacay.
16.Ka talabixinta iyo u kuur-gelidda arrimaha la xariira Barashada & faafinta diinta Islaamka.
17.Ka tala-bixinta hawlaha la xiriira Maamulka masaajidda, Xajka & Cimarada iyo hawlaha kheyriga ah.
18.Inay labadii biloodba warbixin qoraal ah u soo gudbiyaan golaha aqalka sare  
19.Xiriir kasta oo guddigu la sameynayo jiha kasta oo shaqo kala dhaxayso waa inuu ahaadaa mid qoraal ah.

Guddiyadda

April 19, 2018

Waajibaadka

April 19, 2018

Qodobka 62-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha
Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Aqalka Sare, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u
khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota:
•    In ay fuliyaan shaqo kasta oo aqalku u xil saaro.
•    In ay baaraan, ka doodaan, talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Aqalka Sare.
•    In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha.
•    In ay talo ka siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida
qaranka arrimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado.
•    In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso.
•    In ay ka talo bixiyaan ama ay caddeeyaan arrimaha Aqalka Sare u soo gudbiyo.
•    In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada.
•    In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso.
•    In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fogba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray.
•    In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay.
•    In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay.
•    In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidkaah,
•    In ay Aqalka Sare ku wargaliyaan shaqooyinkooda.

Soojeedin

April 19, 2018
Page 4 of 7

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya