Super User

Super User

Hadal-qoraal

April 19, 2018

Qaraaro

April 19, 2018

Sharciyo

April 19, 2018

Codeynta Golaha

April 19, 2018

Qodobka 71-aad: Codeynta
1.    Go’aanada guddiga waxaa la gaaraa ayadoo la raacayo ansixinta Soo jeedin ku yimaada cod aqlabiyad ah oo ay ku codeeyaan inta badan xubnaha jooga oo codeynaya.
2.    Haddii uu cod ku nodqo bar-bar dhac halka uu gudoomiyaha codkiisu raaco ayaa la ansixinayaa.
3.    Gabagabada doodda ee arrin laga doodi karo, haddii talo la soo jeediyo, gudoomiyaha ayaa u aqrinaya gudiga qodobkaas la soo jeediyay waxaa uuna weydiinayaa in ay aqbalaan in laga doodo iyo in kale.
4.    Haddii uu jiro khilaaf cad oo ku saabsan soo jeedin ka-doodis u baahan la keenay oo u dhexeeya guddiga, gudoomiyuhu waxaa uu ugu baaqayaa gudiga inay cod u qaadaan arrinkaas.
5.    Xubnaha guddigu waxaa ay u codeynayaan ayagoo taagaya gacanta, tirada codadkaas dhinac kastana waa in lagu qoraa ama sheegaa minit ka kulanka guddiga.
6.    Xubin ka mid ah guddiga waxa ay codsan kartaa cod bixinta oo qoran/diwaangashan, waa haddii codsigaasu yimaado ka hor intii aan loo guda gelin codeynta.
7.    Haddii xubin kamid ah guddiga ay codsato codeynta la qoro, xoghaynta guddigu waa inuu yeeriyaa ama aqriyaa magacyada xubnaha sida ay ugu kala horeeyaan xaraf ahaan, xubin kasta waxaa uu ku jawaabayaa “haa” ama “maya”, natiijada codkana waxaa ku dhawaaqa xoghayaha guddiga, gudoomiyaha guddiga waxaa uu cadeeyaa in soo jeedintaas la ansixiyey ama aqbalay iyo in la diidey, natiijada iyo magacayada xubnaha oggolaaday iyo kuwa diiddayba waxaa lagu sheegaa ama lagu qoraa hadal qoraalka kulanka.
8.    Xoghayaha guddiga waa inuu xaqiijiyaa in go’aamada guddigga loo diray Guddoonka Aqalka Sare.

Qodobka 79aad. Sharci-dejin qabyo ah
(1) Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan:
(a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan;
(b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda;
(c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda;
(d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey.
(2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax ka beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
(3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Qodobka 80aad. Curinta sharciyada
(1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara:
(a) Golaha Xukuumadda; ama
(b) Ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka
Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda
sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo.
(2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara:
(a) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama
(b) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Xeer Dejineed

April 19, 2018

Qodobka 71aad. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka
(1) Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda
Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
(a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
(b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;
(c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;
(d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si
waafaqsan Qodobka 89aad;
(e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
(f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
(g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin
habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
(h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan
(i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladdaee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
(i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
(ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
(iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
(iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
(v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Page 5 of 7

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya