Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad

 Muqdisho:Khamiis, 17.04.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad shaleey.

 Ajandaha kulanku ayaa ahaa:

1.Dhagaysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka .
2.Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda .

Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

Marka hore ,Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixin 3 bile ah sida uu faraayo Dastuurka.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta 1 aad marsiiyay Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda waxaana golaha ka hor akhriyay Senatar Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo xubin ka ah Gudiga Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Ugu dambeyntii kulanka waxaa soo xiray Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya