Super User

Super User

Muqdisho:- 16,Janaayo 2019,

Guddomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Moowliid Xuseen Guhaad ,wafdi Senatara ah iyo hoowl wadeeno ayaa ka qeeyb galay Xaflada Caleemo saarka Madaxweyneaha doowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) , munaasabad ka dhacday Magalada Baydhabo Maanta.Guddomiyaha ayaa Khudbad ka jeediyay munaasabada.

Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabduulaahi Farmaajo,Madax ka socotay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka.

Guddomiye Ku Xigeenka 2AAD ee Golaha Aqalka Sare-BFS iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa shaleey oo Talaado aheeyd ku tagay safar shaqo magaalada Baydhabo.

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddiga joogatada Golaha Aqalka Sare ayaa ku guddonsaday kulinkiisa 12 aad kalfadhiga 4 aad maanta oo taarikhdu ay tahay 29,Desembar 2018.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shir guddomiyaha kulnaka Gudiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaadoo ajandaha looga hadlayo uu ahaa: 

1.Baaq nabadeed oo ku aadan colaadha ka soo cusboonaaday Hiiraan iyo Galgaduud.

2.Miisaaniyadda Qaranka ee 2019.

3.Diyaarinta Ajendaha fadhiga Golaha.

4. Dhagaysiga daraasaad ku saabsan nidaamka federalka dalalka kala duwan ee caalamka iyo doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada

 

Baaqa nabadeed ee uu Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare soo saaray colaada ku soo cusboonbatay Hiraan iyo Galgaduud:Guji halkan

Muqdisho: 15,Desembar 2018

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare  ayaa war ka soo saaray rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo iyo dirirta u dhaxeysa Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ka taagan deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ku wada yihiin sida TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada

Hoos ka Akhriso Baaqa Guddiga Joogtada Aqalka sare ee Dalka ay soo saareen:-

BAAQ GUDDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA AQALKA SARE

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa 9aad Kalfadhiga 4aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018

ISAGA OO GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka

ISAGA OO XOG OGAAL U AH xasilooni darada nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed;

  • Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday ama waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu dambeeyey ee magaalada Baydhabo.
  • Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isaga oo welwel xoogan ka qaba in xaalada amni iyo mida maamul ay faraha ka baxdo ayuu waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xaalada ka taagan magaalada Baydhabo in ay joojiyaan colaada iyo qalalaasaha ayna si nabadgelyo iyo wadahadal ah ku soo afjaraan is maandhaafka taagan si loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta Magaalada Baydhabo.
  • Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxaa ugu baaqayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo shacabka dalwad goboleedka Koonfur Galbeed in ay si wadajir ah u dhowraan Dastuurka iyo Sharciyada kale ee dawlad Goboleedka si ay u suurtagasho qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare isla kulankiisa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018 wuxuu ku guddoonsaday:

ISAGA OO SI DHOW ULA SOCDAY dilalka iyo xasuuqa ka socday in muddo ah deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ka wada yihiin Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ay ka mid yihiin Tuulli- Guleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

ISAGA OO XOOJINAYA nabadgelyada iyo wadanoolaanshaha Qowmiyadda SoomaaHda iyo Oromada.

  • Waxa ugu baaqayaa mas’uuliyiinta deegaanadaas in ay si degdeg ah u soo farageliyaan dagaaladaas si loo joojiyo colaadaha soo noqnoqday ee deeganada kor ku xusan kuwaas oo sababay dilal, dhaawacyo, barakac iyo burbur hantiyeed.
  • Waxa uu Guddiga joogtada ah ee Goluhu ugu baaqayaa shacabka qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada in ay joojiyaan colaada ka dhex taagan kuna wada noolaadaan nabadgelyo iyo deriswanaag iyaga oo dhowraya mabaadiida iyo shuruucda caalamiga ah ee Xuquuqul Aadanaha.

 

 

Muqdisho:  08,Desembar 2018

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdixashi Cabdullahi iyo xubnaha ku wehliyay safarka shaqo ee Kismaayo ayaa kulan la qaatay ururada bulshada rayidka,dhalinyarada,haweenka iyo aqoonyahanada Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa dhalinyarada Jubaland ku bogaadiyay in ey ka qeyb qaataan nadafadda iyo midnimada dalka.   

Kulanka ayaa ahaa mid Guddomiyaha uu xog wareeysi kula yeelanayay bulshada qeeybaheeda ka duwan si ay wafdiga u helaan xaalda dhabta ah ay ku suganyihiin dadka ku nool dowlad goboleedka Jubaland .

Sidoo kale bulshada qeeybaheeda kala duwan ayaa fursad uhelay in ay ogadadaan dhaxdhaxadadinta uu Aqalka Sare ka dhawaday XFS iyo Doowadaha xubnaha ka ah Doowlada Federaalka Soomaliya bilihii la soo dhaafay in ay soo gaartay meel aad u wanaagsan.

Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ayadoo uu Xalay kulamo ay Albaabbada u xirnaayeen la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe), iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda uu haatan Dalka marayo.

Sidoo kale Guddoomiye, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta kulamo kale la yeeshay Golayaasha maamulka Jubbaland , oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden.

Mudisho ; 06.12.2018

Wefdiga uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe.

Soo dhoweynta wefdiga guddoomiyaha waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa qaar kamid ah dadweynaha magaalada Kismaayo, Madaxweynaha Jubaland oo soo dhoweynta ka dib hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshaha xubnaha Aqalka sare ka socda ee soo gaaray Kismaayo.

Madaxweynaha Doowlad goboleedka Jubaland ayaa sidoo kale, xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka wadanka isla markaana si gaar ah golaha Aqalka sare uu xil ugu saaran yahay ilaalinta iyo wadajir ah ummadda Soomaaliyeed.

“Waan idin soo dhaweynaynaa, imaatankiisana waxaa uu inoo yahay farxad, wixii fariimo iyo wada hadal ah dib ayaan ka yeelan doonaa,” ayuu yiri madaxweynaha Jubaland.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa madaxda iyo shacabka Jubaland ugu mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo tilmaamay in u jeedka ay Kismaayo u yimaadeen ay tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha u dhexeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

“Anagu waan idin nimid, waxaana idin kugu nimid nabadaa oo balaarata iyo dalkeena guud ahaan oo nabad noqda oo mid noqda oo heshiiya,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in qofkasta uu maanka ku hayo ahmiyadda nabadda iyo wadajir ay ku leedahaya dalka.

“Waxaynu u baahannahay midnimo iyo nabad guud ahaan dalka qofkasta oo mas’uul ahina in uu taa maskaxda ku heysto, diyaarna u noqdo nabad iyo heshiisiin dalka oo dhan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyuhu.

 

 

 

 

 

 

 

 Muqdisho, Khamiis : 06.12.2018

Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS Ayaa safark shaqo ugu anabaxa  Magaalada Kismaayo Xarunta KMG Dowlad G.Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay safarkiisu ku wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Adan Cabdulle  Cisman ;Muqdisho  kus sagootiyay xubno katirsan labada Gole ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo wafdigiisa oo Magaalada Kismaayo ugu ambabaxay safar shaqo ayaa layelaanayo kulamo kala duwan Masuulinta Doowlad Goboleedka Jubaland .

 

Muqdisho:  Khamiis , 06.12.2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta Mariyay Akhrinta 1 aad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Nafada Qaranka.

Hindise sharciyeedka ayaa ka soo gudbay Golaha Shaacabka BFS ayadoo uu maaray maanta akhrinta 1 aad waxaana lagu wareejiyay guddiga u xil saaran si looga shaqeeyo qeeybaha xigo; Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wareejiyay.

Waxaa soo xaadiray 29 senator,Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada Haweenka Marwo Deqa Yasin Xaji.

Kulanka Waxaa shir gudoominyay Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamad Axmad .

 

 

Muqdisho,  05.12.2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Ka dib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Waxaa soo xaadiray 31 senator, Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad. Intaa ka dib waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaan ansixiyay dhamaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 [kow iyo sodon senator].

Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada cadaalada, Abuukate Xassan Xuseen Xaaji

Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi

 

Page 2 of 5
JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya