Gudoomiya Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Xaashi C/laahi iyo wafdi uu hogaaminaayo oo gaaray magaalo xeebeedka Kismaayo, xarunta maamul goboleedka Jubbaland, ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madaxda, sanaadiinta iyo siyaasiyiinta Jubbaland.

 Kulamadaa ayaa ka kala dhacay madaxtooyada Jubbaland, iyo guriga martida ee Jubbaland, Magaalo Xeebeedka Kismaayo.

Shirarkan ayaa looga gol leeyahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafaadka ka dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe ee Soomaaliyeed, xunbaha ka socda Golaha Aqalka Sare oo uu hogaaminaayo Gudoomiye Cabdi Xaashi C/laahi ayaa dhagaysan doona tabashada ay soo gudbiyaan maamul goboleedka Jubbaland.

 Inta wafdiga ka socda Golaha Aqalka Sare uu ku suganyahay magaalo xeebeedka ayaa uu kulamo duwan la yeelan doonaa bulshada qeeybaheeda kala duwan.

 Dhawaan ayey ahayd markii Gudiga Aqalka Sare ee dalka ay Soo Saareen Warbixin ku Saabsan waxyaabaha ay dowladda Federalka iyo Golaha Iskaashigu isku hayaan iyo sidii xal loogu heli lahaa.

 

 

 

 

 

Muqdisho, Luulyo 03, 2018-Tababar aad loo soo agaasimay kuna saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka(Administration of Parliaments) ayaa maanta laga furay magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay kana shaqeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tababarka ayaa loo qabtay Goxghayaasha Guud, Agaasimyaasha, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.

Tababarka ayaa waxa uu socon doona muddo todobaad ah iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadidda Xirfadda iyo aqoonta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Tababarka waxaa furay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmad oo kula dardaarmay dhamaan kaso qayb galayaasha in ay si dhab ah uga faa’idaystaan fursadan korna u qaadaan xiriirka iyo wadashaqaynta dhexdooda, gaar ahaan Baarlamanka Federaalka iyo Baaarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay Khubaro ku takhasusay arrimaha Baarlamaanka , maamulka iyo hormarinta Ha’aadaha dowladeed.

Tababarka ayaa waxa gacan wayn ka gaystay Hay’adda UNDP gaar ahaan Mashruuca Tayaynta Baarlamaanka.

 

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya