Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

'' Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay''.

 

 

Muqdisho, Luulyo 03, 2018-Tababar aad loo soo agaasimay kuna saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka(Administration of Parliaments) ayaa maanta laga furay magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay kana shaqeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tababarka ayaa loo qabtay Goxghayaasha Guud, Agaasimyaasha, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.

Tababarka ayaa waxa uu socon doona muddo todobaad ah iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadidda Xirfadda iyo aqoonta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Tababarka waxaa furay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmad oo kula dardaarmay dhamaan kaso qayb galayaasha in ay si dhab ah uga faa’idaystaan fursadan korna u qaadaan xiriirka iyo wadashaqaynta dhexdooda, gaar ahaan Baarlamanka Federaalka iyo Baaarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay Khubaro ku takhasusay arrimaha Baarlamaanka , maamulka iyo hormarinta Ha’aadaha dowladeed.

Tababarka ayaa waxa gacan wayn ka gaystay Hay’adda UNDP gaar ahaan Mashruuca Tayaynta Baarlamaanka.

 

Muqdisho, Luulyo 01, 2018

Dhageysi dadweyne -Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa ee haatan horyaalo Golaha Aqalka Sare-BFS oo ay haatan gacanta kuhayaan Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta ayaa shaleey oo ay tarikhdu aheeyd 30 Juun,2018 waxaa lagu qabtay Hotel Doorbin .

Dhageysigaan dadweeyne ayaa waxaa kasoo qeeybgalay Sanatarada Golaha Aqalaka Sare ,xubno masuuliyiin ah kuwaa oo ka kala socday Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada federaalka Soomaaliya,Xafiiska hanti dhoowrka Dowlada Federalka Soomaliya ,Xeer ilaaliyaha dowlada federaalka Soomaaliya,Ururada bulshada,bushada qeeybaheeda kala duwan.

Dhageysiga dadweyne ayaa si qoto dheer looga doodaday Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa waxaana sualo laguweydiiyay Masuliyaan kala duwan.

Waxaa si Toos ah looga tabiyay Dhageysigaan dadweyne  TV ga,Mareegta Golaha Aqalak Sare,Baraha Bulshada si sharcigaan uu u gaaro bulshada qeeybaheeda kaladuwan.

 

 

 

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya