Print this page

Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo kulmay

January 01, 2019 29450
Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed oo kulmay Aqalka Sare

Gudiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Waxaaa shir gudoomiyay qeybta hore ee shirka gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, qeybta labaadna waxaa shir gudoomiyay ku xigeenka koobaad ee gudoomiyaha Aqlka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed.

Agendaha shirka ayaa ahaa, ansixinta hadal qoraalka fadhiga 12aad ee Gudiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare, ka doodista wada shaqaynta labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliyeed, dhagaysiga warbixinta gudoomiyaha gudiga xeer hoosaadka ee golaha ee ku aadanaa kulamadii uu la qaatay madaxda baarlamanka dalka turkiga ee magaalada Ankara iyo gudoonsiintii gudiga joogtada ah hadiyada ay gudoonsiiyeen madaxda baarlamanka turkiga, iyo kama daneys ka tashiga xiritaanka kalfadhiga afaraad ee Golaha.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.