Gudiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo Muqdisho ku kulmay

Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo hor yaalla Golahaasi. 

Qodobada laga hadlay waxaa ka mid ahaa. Ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada iyo qodobo kale oo dhowr ah.
Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan.
Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay Ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.


Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi.
Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed.

Dhamaad

 

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya