GUDDIGA HORUMARINTA ADEEGA BULSHADA, ARIMAHA BANI AADANIMADA, WARFAAFINTA IYO DHAQANKA LA KULMAY WASIIRKA WAX BARASHADA

 

 

Kulankan ay gudiga horumarinta adeega bulshada ,arimaha bini,aadanimada ,warfaafinta iyo dhaqanka golaha aqalka sare BFS ay la qaateen wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka soomaaliya C,laahi Goodax bare ayaa waxa uu ahaa kulan warbixin lagaga dhagaysanayay isla markaana su,aalo lagu weydiinayay wasiirka ,

C,laahi Goodax bare wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka soomaaliya ayaa ku dheeraaday warbixinta wasaarada waxbarashada ee howsha u qabsoomtay waxa u dhiman iyo halka ay hiigsanayso kulan oo saacado badan qaatay ka dib ayaa warbaahinta qaranka waxaa la hadlay wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka soomaaliya C,laahi Goodax bare ayaa sheegay in gudiga ay danaynayeen  in ay xog ogaal u noqdaan mashaariicda waxbarasho meelaha ay ka socdaan tacliinta sare jaamacadaha dhaqanka ,  hidaha, heerarka waxbarasho federaalka in ay ogaadaan ,

Gudoomiyaha gudiga horumarinta adeega bulshada ,arimaha bini,aadanimada ,warfaafinta iyo dhaqanka golaha aqalka sare BFS Axmed macalin axmed (Nadiir) ayaa wasiirka uga mahadceliyay warbixinta faahfaahsan ee xaga waxbarashada ee gudiga siiyay ,,

gudiga horumarinta adeega bulshada ,arimaha bini,aadanimada ,warfaafinta iyo dhaqanka golaha aqalka sare BFS iyo Wasaarada waxbarashada xukuumada federaalka soomaaliya ayaa isku afgartay sidii ay iskula shaqayn lahaayeen ,

 

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya