Guddiga Kheyraadka ,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Xibna katirsan Doowlad Goboleedyada Dalka Soomaaliya oo Kulan Kuyeeshay Xarunta Golaha Aqalka Sare

 

Muqdisho, May 7, 2018, Guddiga Kheyraadka ,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ayaa xubno ka socday dowlad Gobolleedyada dalka ayaa kulan wadatashi kula yeeshay xarunta Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u furay kulankaan wadatashiga ah.

Guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabiyaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare, Senator Ilyaas Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha kaas oo horyaalo golaha Aqalka Sare.

Hindise Sharciyedkaan sharciga kheyraadka biyaha oo horay uu soo meel mariyay Golaha Shacabka ayeey wasaaradda horkeentay Golaha Aqalka Sare dhawr toddobaad ka hor.

 

 

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya