Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sare oo Maanta Kulan ku Yeeshay Xaruntiisa Magaalada Muqdisho

Aqalka Sare Aqalka Sare Aqalka Sare

Guddiga joogtada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kulanka ayaa looga arrinsaday Daraasad ku saabsan nidaamka federaalka ee dalalka Caalamka iyo sidoo kale doorka Aqalka Sare ee ilaalinta danaha dowlad goboleedyada dalka.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad.

Habdhowraha Golaha Aqalka Sare C/kaafi Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulankaasi.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka SareMowliid Xuseen Guhaad ayaa kulanka kadib tacsi u diray Ehelladii iyo Qaraabadii ay dadkoodu ku dhinteen qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa ugu baaqay XFS, gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka in ay gurmad u fidiso dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Shalay ayey aheyd markii qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen agagaarka Tiyaatarka Qaranka iyo Taallada Daljirka Daahsoon ee magaaladaMuqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen Askar iyo dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya