Print this page

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa kulan la qaatay ururada bulshada rayidka,dhalinyarada,haweenka iyo aqoonyahanada Dowlad Goboleedka Jubaland.

December 08, 2018 25070

Muqdisho:  08,Desembar 2018

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdixashi Cabdullahi iyo xubnaha ku wehliyay safarka shaqo ee Kismaayo ayaa kulan la qaatay ururada bulshada rayidka,dhalinyarada,haweenka iyo aqoonyahanada Dowlad Goboleedka Jubaland.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa dhalinyarada Jubaland ku bogaadiyay in ey ka qeyb qaataan nadafadda iyo midnimada dalka.   

Kulanka ayaa ahaa mid Guddomiyaha uu xog wareeysi kula yeelanayay bulshada qeeybaheeda ka duwan si ay wafdiga u helaan xaalda dhabta ah ay ku suganyihiin dadka ku nool dowlad goboleedka Jubaland .

Sidoo kale bulshada qeeybaheeda kala duwan ayaa fursad uhelay in ay ogadadaan dhaxdhaxadadinta uu Aqalka Sare ka dhawaday XFS iyo Doowadaha xubnaha ka ah Doowlada Federaalka Soomaliya bilihii la soo dhaafay in ay soo gaartay meel aad u wanaagsan.