Aqoon kororsi lagu qabtay xarunta Golaha Aqalka Sare

Muqdisho, Juun 21, 2018- Xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa lagu qabtay aqoon kororsi ku saabsan Nidaamka Maamulka iyo agaasinka Baarlamaanka, aqoon guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa & sharciyada ka jira adduunka, fahamka iyo ka tashiga qodobada Xeerka Dhismaha Guddiga La dagaalanka Musuqmaasuqa iyo awoodaha Baarlanaamka ee la –socodka iyo daba-galka xukuumadda & hay’adaha dowladda.

Aqoon kororsigaas waxaa iska kaashanayey Aqalka Sare iyo Heyada SSG waxa uuna soconayey 20-21 bishan Juun ee 2018 waxaana kasoo qeyb galay aqoon kororsigaas Xoghaya Guud & ku xigeenkiisa, Agaasimayaasha Aqalka, Guddiga Garsoorka  iyo Guddiyada Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

 

 

 

 

 

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya