Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si rasmi ah u furay kulankaan wadatashiga ah.
Guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabiyaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare, Senator Ilyaas Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha kaas oo horyaalo golaha Aqalka Sare.
Hindise Sharciyedkaan sharciga kheyraadka biyaha oo horay uu soo meel mariyay Golaha Shacabka ayeey wasaaradda horkeentay Golaha Aqalka Sare dhawr toddobaad ka hor.