Hindise sharciyeedka dhisida Guddiga ladagaalanka Masuq-maasuqa

Hindise-sharciyeedka-dhisida-guddiga-ladagaalanka-masuq-maasuqa Hindise-sharciyeedka-dhisida-guddiga-ladagaalanka-masuq-maasuqa Golaha Aqalka Sare

Xarunta Golaha Aqalka sare ayeey Senatorada manta kulan kuyeeshen kullankii 7-aad ee Kalfadhiga 3 daxad

waxaana la horkeenay Hindise sharciyeedka dhisida Guddiga ladagaalanka Masuq-maasuqa ayagoo ka dhageystay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Waxaan uu maray xeerkaan akhrinta koowaad .Kullanka ayaa ahaa mid uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Hindise sharciyeedkaHindise sharciyeedka dhisida Guddiga ladagaalanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Golaha Aqalka sare asago sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii,isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuqa.

Xeerkaan ayaa ahaa mid horay u soo maray Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si uu u maro akhrinta koowad.

Senatorada Ayaa loogabahnaa in aay Suaalo iyo cadeeymo weeydiyaan Waziirka,Sidoo kale waxaa lasoo jeediyay fikrado muuhim u ah xeerka ayadoo lasoo akhrindoona xeerkan si looga dodo kulanka xigo.

Guddomiyaha ayaa sheegay in Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta aay lawaregayoo si rasmi ah . Waxaana si rasmi ah usaxiixayo Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare kuna wareejinaayo Guddiga.

 

 

 
Hindisa sharciyeedka dhisida guddiga ladagaalanka musuqmasuqa

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya