Malinta Axada kulanka isbuucaan Waxaana shir guddominiyaay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xashi Cabdullahi ayadoo looga dooday Ajendayaal dhoowr ah:
Warbixinta Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Dareelka ee ku saabsan wax-ka-bedelka/ku-daridda Xeer-hoosaadka Aqalka Sare.
Sidoo kale Ka tashiga Xaaladda deg-deg ah ee fatahaada Webiga/Roobabka ee ka taagan Dowlad Goboleedka Hirshabeele.
Golaha Aqalka Sare ayaa Magacaabay guddi kakooban 7 senator iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka Sare si kaalin looga geeysto gurmadka loo fidinaayo dadka aay saameeysay fatahaada Webiga/Roobabka Dowlad Goboleedka Hirshabeele.