Print this page

AQALKA SARE OO QABTAY KULAN LOOGA HADLAY XAD-GUDUBYADA KA DHANKA AH HAWEENKA IYO CARUURTA

December 08, 2018 28681
AQLKA SARE AQLKA SARE

Munaasabad lagu xusayo ololaha 16-ka maalmood ee tacdiyada kadhanka ah haweenka oo Ururka haweenka ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somalia uu soo qaban-qaabiyay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

 

Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka, Xildhibaannada Haweenka ah Golayaasha Aqalka Sare iyo kan Hoose ee baarlamaanka ku jira, haween ka kala socday ururada bulshada rayidka ah iyo Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayay xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta, sababaha ay ku yimaadaan iyo sidii looga hortagi lahaa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka, Abshir Maxamed Bukhaari oo xafladda furay ayaa sheegay in haweenku ay laf-dhabar u yihiin bulshada, kaalin weynna ay kasoo qaateen halgankii iyo gobonima-doonkii dalka, sidaas daraadeedna aan la aqabali karin in xad-gudub loo geysto.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ku-xigeenka ururka haweenka ee Golaha Aqalka Sare Deeqo Xasan Xuseen oo iyaduna munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka ay yihiin kuwa soo jireen ah oo dhibaato weyn ku ah bulshada, sidaa awgeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hor-tago.

Waxayna hadalkeeda ku dartay, in ururka haweenka ee golaha aqalka sare ay dadaal weyn ugu jiraan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen in la joojiyo tacdiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Sidoo kale, qaar ka mid ah ururarda haweenka ee ka hadlay Munaasabadda ayaa si isku mid ah u sheegay in haweenka loo geysto dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda Aadanaha, iyagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo joojin lahaa.

Ugu dambeyn, Toddobaadka ololaha xad-gudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta ayaa si weyn maalmahan looga xusayay caalamka iyo meelo badan oo dalka ah, kuwaasoo loogga gol-leeyahay in lagu joojiyay tacadiyada inta badan loo geysto haweenka iyo carruurta.