Print this page

Aqalka Sare ayaa Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee la Dagaalanka Musuq-maasuqa

December 05, 2018 29188

Muqdisho,  05.12.2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta ansixiyay Dhismaha Gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa oo ay horey u soo ansixiyeen Golaha Shacabka.

Ka dib markii uu Golaha Aqalka sare uu ku yeeshay maanta kalfadhigii 4aad kulankiisii 9aad xarunta Golaha Aqalka ee Magaalada Muqdisho. Agendaha shirkuna waxaa ahaa akhrinta 3aad ee hindise sharciyeedka dhisida Guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Waxaa soo xaadiray 31 senator, Gudoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor aqrisay sanatarada Golaha Aqalka Sare, iyadoo dul istaagtay talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad. Intaa ka dib waxaa goluhu cod galiyay hidise sharciyeedka dhismaha gudiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa, waxaan ansixiyay dhamaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 [kow iyo sodon senator].

Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada cadaalada, Abuukate Xassan Xuseen Xaaji

Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi