Tababar ku saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka(Administration of Parliaments) ayaa kafurmay Golaha Aqalka Sare-BFS

Muqdisho, Luulyo 03, 2018-Tababar aad loo soo agaasimay kuna saabsanaa maaraynta arrimaha Baarlamaanka(Administration of Parliaments) ayaa maanta laga furay magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay kana shaqeeyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Tababarka ayaa loo qabtay Goxghayaasha Guud, Agaasimyaasha, Howlwadeenada iyo Shaqaalaha kala duwan ee Baarlamaanka Federaalka iyo Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada Dalka.

Tababarka ayaa waxa uu socon doona muddo todobaad ah iyadoo ujeedku yahay kor-u-qaadidda Xirfadda iyo aqoonta Shaqaalaha Baarlamaanka.

Tababarka waxaa furay Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmad oo kula dardaarmay dhamaan kaso qayb galayaasha in ay si dhab ah uga faa’idaystaan fursadan korna u qaadaan xiriirka iyo wadashaqaynta dhexdooda, gaar ahaan Baarlamanka Federaalka iyo Baaarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Tababarka ayaa waxaa bixinayay Khubaro ku takhasusay arrimaha Baarlamaanka , maamulka iyo hormarinta Ha’aadaha dowladeed.

Tababarka ayaa waxa gacan wayn ka gaystay Hay’adda UNDP gaar ahaan Mashruuca Tayaynta Baarlamaanka.

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya