Super User

Super User

Taariikh

April 19, 2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa aqal ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana la aasaasay sanadkii 2016kii kadib markii ay doorasho ka qabsoontay Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo caasimadda Muqdisho oo lagu qabtay doorashada Xubnaha matalaya Deegaanada Somaliland.
Golaha Aqalka Sare xubnaha uu ka kooban yahay waa 54 xubnood si waafaqsan Qodobka 72aad ee Dastuurka kmg ah. Si waafaqsan Qodobka 71aad ee Dastuurka kmg ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:
(a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;
(b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;
Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;
(d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;
(e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;
(f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;
(g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;
(h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;
(i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:
(i) Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
(ii) Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
(iii) Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
(iv) Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
(v) Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Waxaa Guddoonka Golaha Aqalka sare la doortay 22kii Janaayo 2017 sida uu dhigaayo Qodobka 73aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya isagoo ku kulansan fadhigiisa 5aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyihii Ku Meelgaarka ahaa Mudane Maxamed Xuseen Raage iyadoo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare loo doortay Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo noqday Gudoomiyihii ugu horeeyay ee uu yeesho Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sen. Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa noqday Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare uu yeeshay iyadoo taasna ay wehliso inuu ahaa Senatarkii ugu horeeyay ee loo doortay Golaha Aqalka Sare lagana soo doortay deegaanada Galmudug. Sen. Mowliid Hussein Guhaad ayaa noqday Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee loo doortay Guddoonka Golaha Aqalka sare.

Page 7 of 7
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya