Dhageysi dadweyne oo ku saabsan Hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha oo lagu qabtay Xarunta Golaha Aqalka Sare

 

Muqdisho, May 3, 2018,   Guddiga Kheyraadka iyo Biyaha ee Golaha Aqalka Sare ayaa xarunta Golaha Aqalka Sare ku qabtay dhageysi dadweyne oo ku saabsan Hindise sharciyeedka kheyradka biyaha kaasi oo ay horrey u ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga kheyraadka ,kaabayasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ,waxaana kasoo qeyb galay xubno ka socday dowlad Gobleedyadda dalka ,Ururada bulshada rayidka,shirkadaha biyaha iyo sharciyo yaqaanno dhanka Kheyraaka iyo biyaha ah.

Ugu horeyn kulanka waxaa furay Guddomiyaha Guddiga kheyraadka ,kaabayasha dhaqalaha iyo gaadidka ee Golaha Aqalka Sare Senator Ilyaas Cali Xassan .

Intaa kadib ayaa lasiiyay Xubnaha kas ocday dowlad goboleedyada dalka si ay aragtidoo uga dhiibtaan.

Kulankaan ku saabsan dhageysiga dadweyne ee Hinse-sharciyeedka Kheyraadka biyaha ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo lagu qabto xarunta Golaha Aqalka Sare.

 

 

 guddiga kheeyraadka

© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya