Aqalka Sare oo Mariyay Akhrinta kowaad(1AAD) ee Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Nafada Qaranka.

Muqdisho:  Khamiis , 06.12.2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliyeed ayaa maanta Mariyay Akhrinta 1 aad Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Nafada Qaranka.

Hindise sharciyeedka ayaa ka soo gudbay Golaha Shaacabka BFS ayadoo uu maaray maanta akhrinta 1 aad waxaana lagu wareejiyay guddiga u xil saaran si looga shaqeeyo qeeybaha xigo; Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wareejiyay.

Waxaa soo xaadiray 29 senator,Waxaa kaloo ka soo qeyb galay fadhiga, wasiirka wasaarada Haweenka Marwo Deqa Yasin Xaji.

Kulanka Waxaa shir gudoominyay Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamad Axmad .

 

 

© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya