Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, gudiga ayaa war bixin ku aadan safaradii gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaalada Kismayo iyo talka Turkiga oo looga hadlaayay arinta falastiin kulankaasoo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.
Kulanka maanta waxaa shir gudoominaayay, gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Waxaa kalo kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.
Kulanku markuu dhamaaday waxa saxaafada la hadlay habdhowraha Aqalka Sare Senator Cabdikafi Macalin Xassan.