Super User

Super User

Muqdisho, 03.12.2018

Waxaa bilowday qeybtii labaad ee siminaar ay so qaban qaabiyen labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay'adda UNDP Somalia, kuna saabsan: Doorka Baarlamaanada Soomaaliyeed ee Hirgelinta Yoolasha Horumar Waara, Hiigsiga 2030 Siminaarkan ayaa ku eg maanta oo ay taariikhdu tahay 3/Dec/2018 waxaana lagu soo geba gebeynayaa Hotel Doorbin ee Magaalada Muqdisho, waxaa inoo furay seminaarka, Habdhowraha Aqalka Sare baarlamanka federalka ah ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Cabdikaafi Macalin Hassan.

Muqdisho 02,Deseembar 2018

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa furay aqoon isweydaarsiga doorka Baarlamaanada ee hirgelinta hiigsiga 2030,kaasi oo socon doono mudo 2 maalin ah kaas oo ay ka faa’ideysan doonaan Mudanayaasha Baarlamaanka ee labada Gole.

Aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay labada Gole ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda UNDP,waxaana mudada labada maalin uu socdo diirada lagu saarayaa ka mira dhalinta yoolka 2030-ka ee Soomaaliya.

Aqqon isweydaarsigan doorka Baarlamaanada ee Hirgelinta Hiigsiga 2030 ayaa waxaa fulinaya Hay’ada UNDP.

Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo hor yaalla Golahaasi. 

Qodobada laga hadlay waxaa ka mid ahaa. Ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada iyo qodobo kale oo dhowr ah.
Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan.
Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay Ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.


Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi.
Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed.

Dhamaad

 

Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

'' Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay''.

 

 

Baydhabo , 20.09.2018.

Wafdiga aqalka sare ee ku sugan magalada baydhabo waxay manta lakulmeen urruka haweenka degamada baydhaba iyo ururka haweenka gobolka baay ee KGS ayagoo laga dhagesanayay xog sidoo kale waxay la qaaateen kulan kusimaha wakiilka UNSOM ee KGS waxayna dhamaantood kalahadleen qilaafka dhaxyaala mamulka gobolka iyo sida xal lagu heli karo.

 

 

 

 

 

 

 

Kismaayo, 19.09.2018

Kulan Guddiga aqalka sare oo uu hogaaminayo senator Axmed xaashi Maxamuud ay la qaateen baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland ayadoo ujeedada kulanaka uu ahaa in Guddiga rabaan in ay qaataan warbixin ku saabsan qilaafka soo kala dhaxgalay D.goboleedyada iyo XFS madama aqalka uu matalo ay yihiin cidii Ku habooneyd in ay xal uraadiso qilaafka.

Guddiga ayaa warbixintooda kusoo gudbiyay qoraal ahaan 
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo jeediyay in ay ayagana qoraal ahaan kusoo jawabidoonaan maalinka Khamiista haduu Eebe weeyne Idmo.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Guddigii loo diray Galmudug ayaa Kulamo La qaatay Shaleey Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan Dowlad Goboleedka Galmudug Si wax looga wareesto Baahiyaha ay qabaan iyo Fikirkooda ku aadan khaliaafyada Guddaha ah iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada.

 

Garoowe , 19, Sabteembar 2018

Wafdiga Golaha Aqalka Sare Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Xalinta khilaafka udhaxeeyo doowlada dhexe iyo Doowlad Goboleedyada Ayaa Lakulmay Madaxweyne Ku Xegeenka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Cumar oo sheegay in hoowsha garoowe Ay uyimaadeen Xubnaha Kasocda Aqalka Sare ee BFS ey tahay mid Muhiim Ah Loona baahanyahay in lajoogteeyo.

 

Magalada Baydhbo waxa uu gudigi kasocday Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Somaliy uu la yeshay madaxda mamulka koonfur galbeed ayadoo ay la kulmeen
Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah wasiiro ka tirsan mamuulka Koofur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale manta waxay kulan la qaateen odayasha dhaqanka deeganka doowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya .

Kulamadaan ayaa qeeyb ka ahaa kulmo isxogwareeysi ah oo uu wafdigu layeelnayay qeeybaha kala gadisan ee bulshada.Kulamadaan ayaa isafgarad ku idlaaday.

Magalada baydhba wali waxa ka socda kulamadi gudigi kasocday Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Somaliy ay la yelanayeen madaxda mamulka koonfur galbeed sidoo kale manta waxay kulan la qaateen odayasha dhaqanka deeganka doowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayagona ka hadlaya waxa kenay Khilaafka u dhaxeya maamul goboleedyada iyo dowlad dhexe iyo sida loogu helilahaa xal waar.

Kulanka ayaa qeeyb ka ahaa kulmo isxogwareeysi ah oo uu wafdigu layeelnayay qeeybaha kala gadisan ee bulshada.Kulanka ayaa ahaa mid mira dhal ah.

 

Page 3 of 5
JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya