Super User

Super User

Muqdisho :- Axad 19.05.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare BFS Kalfadhiga 5aad kulankiisa 5aad ayadoo Ajandaha kulanku ahaa:

Dhageysiga Warbixinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka Waxaa shir Guddoomiyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

 

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hogaamineeysay Guddomiyaha Guddigaas Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim.

 

Guddiga ayaa Golaha Aqalka Sare ee BFS uga warbixiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020 ka iyo waxyaabaha u bahaan in madaxda qaranka ee heer Federal, Xildhibaanaada si dalka ugu dhacdo doorosho qof iyo cod ah sanadka 2020.Intaa kadib, xubnaha Golaha ayaa Su'aalo ka weeydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su'aalihii la weydiiyey.

 

 

 Muqdisho:Khamiis, 17.04.2019

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad shaleey.

 Ajandaha kulanku ayaa ahaa:

1.Dhagaysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka .
2.Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda .

Kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

Marka hore ,Guddiga Dib-u-eegista iyo La socodka hirgalinta Dastuurka ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixin 3 bile ah sida uu faraayo Dastuurka.

Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta 1 aad marsiiyay Hindise-sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda waxaana golaha ka hor akhriyay Senatar Mahdi Daahir Sheikh Nuur oo xubin ka ah Gudiga Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Ugu dambeyntii kulanka waxaa soo xiray Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Abshir Maxamed Axmed.

Muqdisho: Isniin 08,Apriil 2019

Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ay ka qayb galayaan shirka 140 aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka kaas oo haatan si habsami leh uga socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Shirkan 140aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka waxaa guddoominaya Guddoomiyha Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar.

Shirkan ayaa ah mid la qabto sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladdaha taagan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo gaargaar ah laqaatay qaar kamid ah Guddoonada dalalka kasoo qeyb galay shirkaas.

 

 

Muqdisho:- Khamiis, 04.04.2019

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilahi iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u anbabaxay magaalada Dooxa, Dalka Qadar.Wafdiga ayaa ka koobna Senataro ,Xildhibaano 10 xubnood ah iyo Hoowl-wadeeno.

Guddomiyaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay kaga qeeyb galan shir weeynaha 140 AAD ee Barlamaanada Aduunka(IPU) 
Shirka ayaa socondoono mudo Isbuuc ah.

Muqdisho:- Khamiis, 04.04.2019

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019 ka dhacday Xarunta Golaha Aqalka Sare BFS doorashadii 2aad ee Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka - Golaha Aqalka Sare oo lagu dooranayey Guddomiye,Labada Guddomiye Kuxigeeno ,Xog-haye iyo Khasnaji.

Waxaana u tartamay xilalka kor ku xusan ee Ururka Haweenka Barlamaanka Federaalka Soomaliya- Golaha Aqalka Sare xubno ka tirsan Ururka waxaana kadib markii ay tanaasuleen xubnihii musharaxiinta ahaa marka laga reebo jagada Xog-hayaha Ururka oo ay u taagneyd kaliya Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama ayaa waxaa Ku guuleeystay Xilika kala duwan ee loo tartamay sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Senator Abshir Maxamed Axmed :-
1- Guddomiyaha Ururka Senator Jawahir Axmed Cilmi.
2-Guddoomiye Ku -Xigeenka Ururka Senator Fadumo Xasan Aadan Gariyow iyo Senator Nuura Faarax Jamac.
3- Xog-hayaha Ururka Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.
4-Khasnajiga Ururka Senator Samsam Ibraahim Cali.

Hadaba, Waxaa xusid Mudan In doorashadan ay ka kasoo qeyb galeen Guddoonka Golaha Aqalka Sare, Senatorada Aqalka Sare, Xubno ka socday Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka, qaar kamid ah Ururada Bulshada Rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Mudisho:- Isniin 01,April 2019

Waxaa si rasmi ah furmo kalfadhiga Shanaad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Aqalka sare waxaa ka qeyb galay Senatarada Aqalka Sare,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Guddiyada madaxa banaan ,Wakiilo ka kala socda Beesha caalamka iyo Guddoomiyayaasha Xeer dajinta ee Doowladaha Xubinta ka ah Doowladda Federaalka,Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Wasiiro ka tirsan Xukuumadad Soomaaliya , Taliyaha Ciidakaiyo, Ururada Bulshada Rayidka  .

Furitaanka muanaasabada ayuu Khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Cabdi Xaashi ,Iyada oo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi uu si rasmi ah u furay Kulankii kowaad ee Kalfadhiga 5aad..

 

Muqdishuo:- arbaco, 27 maarso, 2019

Guddiga joogatada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi 16 aad ku yeeshay xarunta Aqalka Sare maanta.Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa shir guddomiyay Kulanka.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa: Katashiga Furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Golaha Aqalka Sare.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5-aad ee golahaasi, kadib kulan ay ku yeesheen.


Habdhoowraha Aqalka Sare Mudane Cabdi Kaafi Maclim Xasan ayaa shirjara'aid kulanka kadib kaga hadlay asagoo sheegay in Kalfadhiga 5 aad ee Aqalka Sare -BFS uu furmi doono 1 da Apriil 2019. 

Senator Cismaan Macoow ayaa ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka shir Goboleedka Baarlamaanada Waddamada Carabta oo ka dhacaya Lubnaan.

Wafdigaan ayaa ka koobnaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Shirkan ayaa looga hadlayaa hiigsiga Himilada waarta ee 2030 (Sustainable Development Goals 2030 Agenda).

 

 

 

Muqdisho:- 25,Janaayo 2019

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo Wafdiga la socday oo isugu jiray Senataro iyo howl-wadeeno ayaa xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka garoowe kulan la yeeshay madaxweynaha doowlad goboleedka Puntland ee dhowaan la doortay Siciid Cabdulaahi Deni.

Kulanka ayaa ahaa kulan soo dhoweyn iyo kala war qaadasho kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta waxaa la hadlay Sen. Mahdi Daahir Sh.Nuur waxaana uu sheegay in wafdiga kulan ay la qaateen Madaxweyne dani ayn jiraan arimo si hoose looga hadlay ayna wafdiga u diyaar garoobayaan ka qayb galka caleema saarka madaxweeynaha Puntland taas oo ku beegan 26 bishan maalinta sabtida ah ayna ka qayb galayaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa madaxtooyada Puntland waxaa ay kula kulmeen taliyaha booliska somaaliya iyo qaar ka mid ah taliyayaasha hogaanada ciidanka boliska soomaaliyeed .

 

Muqdisho:-23,Janaayo 2019

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa Mahad naq ka sakoow sheegay inay joogteen doonaan kulamada noocaan oo kale ah, markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.

Page 1 of 5
JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya