Xubnaha guddiga joogtada ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo hor yaalla Golahaasi. 

Qodobada laga hadlay waxaa ka mid ahaa. Ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada iyo qodobo kale oo dhowr ah.
Kulankan ayey xubnuhu uga doodeen ka tashiga kordhinta xubnaha guddiyada waxaana la go’aamiyay in guddoonka iyo guddiga xeer hoosaadka ay dib ugu laabtaan arrintaas, si ay uga soo tala bixiyaan.
Sidoo kale Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay Ajandaha kulanka todobaad ee Golaha, waxaana uu ku saabsan yahay kulankaasi oo dhici doona Isniinta soo socota akhrinta labaad ee Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.


Xoghayaha Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sharraxay kulanka kadib waxyaabihii diirada lagu saaray kulankaasi.
Maalinta Isniinta ah ee todoobaadkan ayey akhrinta labaad marin doonaan Golaha Aqalka Sare Sharciga dhismaha guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa.
Haddii uu dhaqan galo Sharcigan waxaa dalka ku yaraanaya falalka wax isdaba marinta iyo xatooyada ah, kuwaas oo ragaadiyay dadka Soomaaliyeed.

Dhamaad

 

Kismaayo, 19.09.2018

Kulan Guddiga aqalka sare oo uu hogaaminayo senator Axmed xaashi Maxamuud ay la qaateen baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland ayadoo ujeedada kulanaka uu ahaa in Guddiga rabaan in ay qaataan warbixin ku saabsan qilaafka soo kala dhaxgalay D.goboleedyada iyo XFS madama aqalka uu matalo ay yihiin cidii Ku habooneyd in ay xal uraadiso qilaafka.

Guddiga ayaa warbixintooda kusoo gudbiyay qoraal ahaan 
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa soo jeediyay in ay ayagana qoraal ahaan kusoo jawabidoonaan maalinka Khamiista haduu Eebe weeyne Idmo.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Muqdisho, Luulyo 01, 2018

Dhageysi dadweyne -Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa ee haatan horyaalo Golaha Aqalka Sare-BFS oo ay haatan gacanta kuhayaan Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta ayaa shaleey oo ay tarikhdu aheeyd 30 Juun,2018 waxaa lagu qabtay Hotel Doorbin .

Dhageysigaan dadweeyne ayaa waxaa kasoo qeeybgalay Sanatarada Golaha Aqalaka Sare ,xubno masuuliyiin ah kuwaa oo ka kala socday Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada federaalka Soomaaliya,Xafiiska hanti dhoowrka Dowlada Federalka Soomaliya ,Xeer ilaaliyaha dowlada federaalka Soomaaliya,Ururada bulshada,bushada qeeybaheeda kala duwan.

Dhageysiga dadweyne ayaa si qoto dheer looga doodaday Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa waxaana sualo laguweydiiyay Masuliyaan kala duwan.

Waxaa si Toos ah looga tabiyay Dhageysigaan dadweyne  TV ga,Mareegta Golaha Aqalak Sare,Baraha Bulshada si sharcigaan uu u gaaro bulshada qeeybaheeda kaladuwan.

 

 

 

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya