Print this page

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Dooxa U anbabaxay Shir Ururka Barlamaanda Aduunka(IPU)

April 04, 2019 28691

Muqdisho:- Khamiis, 04.04.2019

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilahi iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa u anbabaxay magaalada Dooxa, Dalka Qadar.Wafdiga ayaa ka koobna Senataro ,Xildhibaano 10 xubnood ah iyo Hoowl-wadeeno.

Guddomiyaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay kaga qeeyb galan shir weeynaha 140 AAD ee Barlamaanada Aduunka(IPU) 
Shirka ayaa socondoono mudo Isbuuc ah.