Muqdishuo:- arbaco, 27 maarso, 2019

Guddiga joogatada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodi 16 aad ku yeeshay xarunta Aqalka Sare maanta.Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa shir guddomiyay Kulanka.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa: Katashiga Furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Golaha Aqalka Sare.

Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa maanta shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhiga 5-aad ee golahaasi, kadib kulan ay ku yeesheen.


Habdhoowraha Aqalka Sare Mudane Cabdi Kaafi Maclim Xasan ayaa shirjara'aid kulanka kadib kaga hadlay asagoo sheegay in Kalfadhiga 5 aad ee Aqalka Sare -BFS uu furmi doono 1 da Apriil 2019. 

Gudoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa maanta xafiikiisa kula kulmay Wakiilada gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom iyo Wakiilka gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira ,kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo waliba xalinta Khilaafka Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac ayaa warbaahinta u sharxay waxyaabaha looga hadlay kullanka.

'' Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii loo dajin lahaa xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya,sidii shaqada Aqalka Sare uu haayo loo taageeri lahaa iyo sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka taagan,sidoo kale gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa warbixin ka siiyay shaqada Aqalka sare sare uu soo qabtay''.

 

 

Guddigii loo diray Galmudug ayaa Kulamo La qaatay Shaleey Qaybaha Kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan Dowlad Goboleedka Galmudug Si wax looga wareesto Baahiyaha ay qabaan iyo Fikirkooda ku aadan khaliaafyada Guddaha ah iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada.

 

Magalada Baydhbo waxa uu gudigi kasocday Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Somaliy uu la yeshay madaxda mamulka koonfur galbeed ayadoo ay la kulmeen
Kusimaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah wasiiro ka tirsan mamuulka Koofur Galbeed Soomaliya.

Sidoo kale manta waxay kulan la qaateen odayasha dhaqanka deeganka doowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya .

Kulamadaan ayaa qeeyb ka ahaa kulmo isxogwareeysi ah oo uu wafdigu layeelnayay qeeybaha kala gadisan ee bulshada.Kulamadaan ayaa isafgarad ku idlaaday.

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya