Print this page

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kula kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

May 09, 2018 36367

 

Muqdisho, May 05, 2018:  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Aqalka Sare wafdi  ka socday Midowga Yurub. 

Wafdiga Midowga Yurub iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada  ah ee uu Midowgu Yurub siiyo guud ahaan Soomaaliya.

Xubnaha Midowga Yurub ka socday ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ka dhagaystay baahiyaha gaarka ah ee Aqalka iyo meelaha uu Aqalka doonayo in gacan laga siiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu Aqalku u baahanyahay in safaro aqoon kororsi loo sameeyo Xubnaha senatorada, loona qaado dalalka uu nidaamka federaalka ka hirgalay ,Sidoo kale in Midowga Yurub uu gacan wayn ka gaysto sare u qaadida xiriirka Aqalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambayntii, Wafdiga iyo Guddoomiyaha ayaa isku afgartay muhiimadda ay leedahay in si deg deg ah loo dhamaystiro howlaha dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah Qaranka iyo sidii uu EU-du gacan uga gaysan lahaa habsami u socodka howlaha dib u eegista Dastuurka.