Muqdisho, 03.12.2018
Waxaa bilowday qeybtii labaad ee siminaar ay so qaban qaabiyen labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay'adda UNDP Somalia, kuna saabsan: Doorka Baarlamaanada Soomaaliyeed ee Hirgelinta Yoolasha Horumar Waara, Hiigsiga 2030 Siminaarkan ayaa ku eg maanta oo ay taariikhdu tahay 3/Dec/2018 waxaana lagu soo geba gebeynayaa Hotel Doorbin ee Magaalada Muqdisho, waxaa inoo furay seminaarka, Habdhowraha Aqalka Sare baarlamanka federalka ah ee Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Cabdikaafi Macalin Hassan.