Guddiga La-talinta Wasaaradda Arrimaha dibada oo tababar u qabtay xildhibaanada Guddiga arrimaha dibada labada aqal ee BFS

Muqdisho .Talaado 27.Nofeembar 2018

Tababarkaan ay qaadanayeen xubno ka kala socday guddiyada arrimaha dibada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta Golaha Aqalka Sare BFS.

Tababarka ayuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibada , iskaashiga caalamiga Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdirisaaq Cismaan Jurile,  in guddiga la-talinta Wasaarada arrimaha dibada ay yihiin qabiiro wax badan ka soo shaqeeyay arrimaha dibada, loona baahan yahay in laga faa’iidaysoto.

Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali Guddoomiyaha Guddiga arrimaha dibada Golaha Shacabka BFS ayaa dhankiisa sheegay in Guddiga la-talinta wasaaradda arrimaha dibada ay ka codsanayaan in guddiyada arrimaha dibada golaha shacabka ay u qabtaan tababar noocan oo kale.

 

Search

JFBConnect not enabled. Please enable.
© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya