Print this page

Senator Xujale oo Turkiga kula kulmay mas’uuliyiin sare ee Barlamaanka Dalkaas

December 31, 2018 29698

Gudoomiyaha Gudiga Xeer hoosaadka Anshaxa iyo Xasaanada Senatarada Golaha Aqalka Sare, Mudane Xassan Faarax Xujaale, oo safar shaqo ah ku jooga Dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga gudoomiyaha iyo xubnaha la socday ay kulamo kula qaateen  Gudoomiyaha Gudiga Xiriirka saaxibtinimo ee Turkiga iyo Soomaalia, ahna gudoomiyaha gudiga howlaha guud ee baarlamaanka dalka turkiga Mudane Hamdi Ucar iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaan dalkaas.

 Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xiriirka dowladda turkiga ay la leedahay dalkeena Soomaaliya, waxaana ay uga mahadceliyeen Mudane Xassan Faarax Xujaale gudoomiyaha gudiga xeer hoosaadka anshaxa iyo xasaanada senatarada Golaha Aqalka Sare xubnaha baarlamaanka turkiga wada shaqeenta iyo garab istaaga howlaha aqalka sare ee dalka.

 

Kama danbays, Gudoomiyaha Gudiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa iyo Xasaanada Senatarada Golaha Aqalka Sare, Mudane Xassan Faarax Xujaale ayaa halkaa lagu gudoonsiiyay Shahaado Sharaf.