Gudoomiya Aqalka Sare oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirka Cusub ee Dowlada Turkiga

GOLAHA AQALKA SARE GOLAHA AQALKA SARE

 

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo ku xigeenka labaad, senator Mowliid Xuseen Guhaad, Habdhowraha Aqalka Sare, Cabdikafi Sheekh Xassan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda dalka Turkiga u soo magacaawday Soomaaliya Amb.Mehmet Yilmaz

 Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, sii wadida taageerada horumarinta adeegyada Aqalka Sare ee baalamanka federaalka ah ee soomaaliyeed .  

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa safiirka ugu hambalyeeyay shaqada cusub ee Soomaaliya ugu bilaabatay.

Dowladda Turkiga ayaa horay u balan qaaday iney ka qeyb qaadaneyso hormarinta adeegyada labada baarlamaan ee Soomaaliyeed.

© 2018 Aqalka Sare,Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya